Connect with us

Wararka Somali

Daawo: Macalin Dilib ninkii isku maray Al-Shabaab iyo Daacish oo bixiy…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta)- Barnaamijka Gungaar oo warbaahinta dowladda Soomaaliya ay ku soo bandhigto xogta ay bixiyaan xubnaha nolosha lagu qabto ama isaga baxa kooxaha ka dagaalama dalka ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa caawa lagu soo bandhigay nin ku xeel-dheer sameynta document-yada oo lasoo shaqeeyey Shabaab iyo Daacish labadaba.

Ninkaan waxaa lagu magacaabaa Macalin Saciid Cabdulle Dilib, waxaana lagu sheegay warbixintiisa inuu iskiisii isku soo dhiibay oo uu maray nidaamka ay dowladdu u dejisay dadka isaga soo baxa kooxaha xagjirka ah.

Waxa uu ka sheekeeyey hanaanka ay Al-Shabaab warbaahinta ugu marin habaabiyaan Bulshada iyo qaabka ay u qortaan dagaalyahanada cusub.

Wararka Maanta :   Khadiija Diiriye iyo Xamza oo hadallo kulul is-dhaafsaday - Caasimada ...

Ninkaan oo ku dhashay degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose waxa uu ku taqasusay culuumta Network Engineering,  sanadkii 2008-dii ayuu Al-Shabaab uga biiray magaalada Muqdisho.

Hoggaanka Al-Shabaab oo xilligaas ku qancay aqoonta uu u leeyahay luuqadaha Carabiga iyo English-ka ayaa Macalin Saciid tashkiiliyey inuu la shaqeeyo kooxda, waxuuna ka caawi jiray dhanka warbaahinta iyo sameynta barnaamijyada.

“Waayihii hore dadku waa ku soo yaaci jireen kooxda si ay ugu biiraan, laakiin hada taasi ma jirto oo cid ku biireysa malahan, marka waxay ku qasbanyihiin inay ciidan raadiyaan, qoysaska reer Miyiga ah ayey ilmaha kasoo wataan, waxayna ku dhahaan waxaan idiin bareynaa, inta ay tababarayaan cunugu hadii uu xanuunsado waa lagu celiyaa reerkiisa oo mid kale ayaa keena la dhahaa, markii la tababarana waxaa laga howlgeliyaa gobolka kale oo kii uu u dhashay aad uga fog,” ayuu yiri Macalin Saciid Dilib.

Sidoo kale ninkaan waxa uu sheegay in mar uu isaga baxay Al-Shabaab uu buuraleyda gobolka Bari ee Puntland uu uga biiray kooxda Daacish, balse uu dib ugu laabtay mar kale Al-Shabaab, kadib markii uu wax tix-gelin ah ka waayey Daacish.

Wararka Maanta :   Uhuru Kenyatta: ma dhiibeyno hal Inji oo dhulkeenna ah - Caasimada Onl...

Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin ayuu sheegay inuu kula kulmay buuraleyda gobolka Bari, isla markaana kooxdaan uu ka waayey wax tix-gelin ah, balse wax badan ay ka faa’iideystay aqoontiisa.

“Markii aan Daacish aaday waxaan qaatay go’aan shakhsi ah, rag ku jiray oo aan saaxiibo nahay ayaa ii soo bandhigay inaan u sameeyo xiriiro dibadda ah, waana rabay inaan soo ogaado dhaqankooda iyo hadafkooda, laakiin waxay ii noqdeen wadadii ii suurta gelisay inaan isaga haro kooxaha jihadiyiinta ah, waxaan qaatay go’aan ah in dib dambe aana wax xiriir ah ula sameyn haba yaraatee koox jihaadi ah,” ayuu yiri ninkaan isku maray Shabaab iyo Daacish.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Xogta Kulankii RW Rooble & Siyaasiinta Waqooyi, Loolanka Gedo iyo...

Hoos ka daawo barnaamijka lagu soo bandhigay xogta Macalin Saciid Dilib.

Wararka Maanta

Wararka Somali

Musharaxiinta oo war kasoo saaray xilal ka-qaaditsii uu sameeyey Roobl…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray tallaabadii uu Ra’iisul wasaare Rooble xilalkii uga qaaday saraakiil ka tirsaneyd hey’adda NISA, waxay fariin u direen Madaxweyne Farmaajo.

Ugu horeyn golaha ayaa taageeray go’aankii uu Ra’iisul Wasaaruhu xilalkii uga qaaday madaxii shaqaalaha ee hey’adda NISA Cabdullahi Kullane iyo Taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh, kuwaas oo sida lagu sheegay qoraalkaan isku dayay “inay si sharci-darro ah u hor-istaagaan xaqa dastuuriga ah ee xoriyada safarka iyo dhaq-dhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

Wararka Maanta :   Arday sheegtay in la musuq maasuqay deeq waxbarasho oo Jaamacadda Hargaysa ...

“Golaha oo ka duulaaya marxaladda adag ee dalku marayo iyo xaaladda kala-guurka ah ee doorashada, waxay ugu baaqayaan dhammaan laamaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah loo dhawro Dastuurka iyo sarreynta sharciga, lagana dheeraado wax kasta oo khilaaf iyo dib u dhac abuuri kara,” ayaa lagu yiri Bayaankaan ka soo baxay golaha midowga musharaxiinta.

Sidoo kale Golaha ayaa soo jeediyey in tallaabada uu Ra’iisul wasaare Rooble  uga hortagayo xayiraadaha sharci-darrada ah ee ka dhanka ah xoriyada safarka muwaadiniinta iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, ay noqoto mid si siman uga hirgasha dalka oo dhan.

Wararka Maanta :   Ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug oo la wareegay deegaano horleh - Ca...

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu ka waantoobo ku tumashada Dastuurka dalka oo uu caadeystay iyo faro-gelinta joogtada ah ee uu ku haayo geedi socodka dalkan u jiheeystay in ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta muddada loo cayimay,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka Midowga Musharaxiinta.

Wararka Maanta

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Sidee ayuu madaxweyne FARMAAJO uga faa’iidayaa xil-ka-qaadista KULANE …

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilalka ka qaaday taliyaha NISA ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali iyo madaxa shaqaalaha NISA, Cabdullaahi Aaden Kulane (Kulane Jiis).

Kulane Jiis, waxa uu ka soo jeedaa gobolka lagu muransan yahay habraaciisa doorashada ee Gedo, waxaana la aaminsan yahay in uu ahaa masuulka labaad ee ugu awoodda badan hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA kadib Fahad Yaasiin.

Dad badan ayaa soo dhoweeyey tallaabada uu qaaday Rooble, kuna macneeyey inay ka dhigan tahay inuu si buuxda gacanta ugu hayo awoodda dalka, islamarkaana la wiiqay madaxweyne Farmaajo.

Xubnaha soo dhoweeyey tallaabada Rooble waxaa ka mid ah xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada ugu saameynta badan mucaaradka, kuna qeexay inay bilow u tahay tilaabooyin kale oo lagu taabo-gelinayo dowldnimada iyo in sharcigu taliyo, sida uu hadalka u dhigay.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in tallaabada uu qaaday Rooble ay tahay digniinta kama dambeysta ah ee la-siiyay taliyaha NISA, Fahad Yaasiin.

Wararka Maanta :   Ciidamada AMISOM oo sheegay in ay Kudhaa ku dileen 11 katirsan kooxda...

Si kastaba, Wararka Maanta ayaa fahansan in go’aanka uu Rooble xilka kaga qaaday labada sarkaal, si gaar ahna Kulane Jiis ay guul-siyaasadeed dadban oo gadaal kasoo bixi doonta u tahay madaxweyne Farmaajo.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay Wararka Maanta ka dhex heshay kooxda arrimaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo ayaa xaqiijisay in tallaabada xil ka qaadista Kulane Jiis ay tahay qorshe uu Farmaajo ka leeyahay Jubaland iyo Puntland, ra’iisul wasaare Rooble-na uu arrintaas qeyb ka yahay.

Ujeedada arrintan ka dambeysa ayaa ah in lagu cadaadiyo Axmed Madoobe, oo dhammaan kooxda ololaha doorashada Farmaajo ka xirtay albaabka laga galo Kismaayo ee garoonka diyaaradaha.

Axmed Madoobe ayaa sideeddii bishan waxa uu garoonka Kismaayo ka celiyey diyaarad uu saarna la-taliyaha Farmaajo ee arrimaha doorashada, Cabdi Cali Raage xili ay kasoo degi rabtay garoonka.

Taliyaha booliska qeybta Jubbada Hoose, Gaashaanle Sarre Sadiiq Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Cabdi Cali Raage uu qeyb ahaa abaabulka koox dooneysay inay hub sharci darro ah soo geliyaan magaalada, si ay u khal-khal geliyaan amaanka maamulka Jubbaland, oo ay ka hortageen.

Wararka Maanta :   Turkey 'oo fashilisay weeraro jilbaha loogu dhigi lahaa' - Caasimada O...

Axmed Madoobe ayaa hadda laga soo xiray tallaabo kale uu Kismaayo ugu celiyo kooxda ololaha Farmaajo, haddii uu sidaas sameeyana waxay kusoo jeedin doontaa indhaha bulshada Soomaaliyeed oo idil, sida uu qorshuhu yahay

Tallaabada xigta ee qorsheysan waa in Kismaayo loo diro kooxda olelalaha Nabad iyo Nolol iyo xildhibaano taageersan Farmaajo oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland, Axmed Madoobe-na lagu cadaadiyo in uu oggolaado in ay Kismaayo ka dhex oleleeyaan kana tartamaan. Isla arrinkaan oo kale waxa uu ka billaaban doonaa Puntland.

Wararka Maanta ayaa ogaatay in kulan uu Rooble dhowaan Kismaayo kula yeeshay Axmed Madoobe la isku hadal qaaday arrinkan, taas oo ka careysiisay Axmed Madoobe, sababna u noqotay in Rooble uu diiday in Axmed Madoobe ama qof ka socda maamulkiisa uu ku wehliyo safarkiisii Gedo.

Wararka Maanta :   Qaxooti Soomaali ah oo dalka Uganda ugu geeriyooday Gaajo iyo COVID-19...

Rooble ayaa horey u fuliyey tallaabooyin si dadban ama si muuqda ugu daneynaya Farmaajo, waxaana ka mid ah in saddexdii xubnood ee uu soo magacaabay ee guddiga doorashada Somaliland ay noqdeen kuwa la saftay Mahdi Guuleed oo xulufo la ah Farmaajo, oo ay is-hayaan Cabdi Xaashi, ayada oo ballantu aheyd inuu soo magacaabo xubno dhex-dhexaad ah.

Waxa uu sidoo kale ku guuleystay in uu si deggan kusoo afjaro dooddii Midowga Musharraxiinta, isaga oo dhammaan dib usoo celiyay guddoonka guddiga doorashada oo uu muranku ka dhasahy, kadibna wadahadal ku dhameeyay khilaaf soo kala dhax galay Farmaajo, Guudlaawe iyo Qoor-Qoor.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si dadban u dilay guddigii uu u magacaabay inay baaraan askartii loo diray Eritrea, kuwaasi oo lagu damiyey cadaadiska bulshada iyo mucaaradka, kadibna aan la ogeyn halkii u uku dambeeyey.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Wafti Jabuuti ka socda oo soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargaysa

Wararka Maanta

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (Wararka-Maanta) – Wasiirka wasaarada dhaqanka iyo dhalinyarada dalka Jamhuuriyada Jabuuti Marwo Hibo Muumin iyo wafti ay hogaaminayso, ayaa soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargaysa.Waftiga ka socda Jamhuuriyada Jabuuti ayaa Hargaysa u yimid in ay ka qayb galaan carwada bandhiga bugaagta ee caalamiga ah ee Hargaysa (Hargeisa International Book Fair) oo maalinta bari ee 24 bishan Luulyo ka furmi doonta Xarunta Dhaqanka ee Hargeisa.

Wafiga ayaa waxa madaarka Cigaal ee caasimada Hargaysa kusoo dhaweeyay wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibadda Somaliland ahna ku simaha wasiirka Liibaan Yuusuf Cismaan.

Wararka Maanta :   Xisbiga Waddani oo ka hadlay arrinta ardayga lagu dilay Boorama

Waxaa jira wufuud kale oo ka socota waddamada jaarka sida dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, oo soo gaadhaya magaalada Hargaysa si ay maalinta bari ah uga qayb galaan bandhiga bugaagta Hargeisa.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Shil baabuur oo galaaftay nolosha dad rakaaba oo ka dhacay Boorama

Wararka Maanta

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (Wararka-Maanta) – Wiil iyo gabadh dhalinyaro ah ayaa inta la ogyahay ku nafwaayay tiro kalena way ku dhaawacantay, shil baabuur oo ka dhacay meel aan ka fogayn hotelka Saw ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal.Shilka galaaftay noloshada dhalinyaradan, ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen gaadhi nooca loo yaqaano Vitz ta ah iyo Bas-caasi rakaab ah oo ay leedahay shirkada socdaalka alaabada iyo rakaabka ee Bari iyo Galbeed.

Wararka Maanta :   Arday sheegtay in la musuq maasuqay deeq waxbarasho oo Jaamacadda Hargaysa ...

Shilalka baabuurta ayaa sanadkasta nolosha kumanaan qof ku galaafta deegaanada Somaliland, iyadoo shilkii ugu danbeeyay ee dad ku dhintaan uu 21 bishan Luulyo ka dhacay degmada Xamaas oo u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo xilka qaadis ku sameeyay laba Sarkaal oo…

Wararka Maanta

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (Wararka-Maanta) – Raysal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka qaadis ku sameeyay Agaasimahii Shaqaalaha hay’adda Nabadsugida Cabdullaahi Kulane iyo taliyahii Nabadsugida ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali.

Xilka qaadista lagu sameeyay labadaan masuul ayaa jawaab u aheyd talaabadii maanta garoonka Aadan Cadde loogu diiday iney ka dhoofaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa guddoomiyahii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu oo goordhaw la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muwaadiniintii maanta laga joojiyay iney duulaan ay xaq u lahayeen iney ka duulaan garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta :   Maxay ka wada hadleyn RW Rooble iyo Amiirka Qatar? - Wararka Maanta

Dhawaan ayay aheyd markii Raysal wasaaraha Soomaaliya uu amar ku bixiyay inaanan garoonka Aadan Cadde laga celin karin muwaadin Soomaaliyeed oo doonaya inuu ka duulo garoonka, waxaana xilka qaadista labadan sarkaal ay imaaneysa xili maanta guddoomiyahii hore ee gobolka Gedo uu Raysal wasaare Rooble ka codsaday inuu xilka qaadis ku sameeyo Cabdulaahi Kulane oo ugu dambeyn xilka qaadis lagu sameeyay saacado kadib.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

DEG DEG: Rooble oo xilalkii ka qaaday madax sare oo ka tirsan NISA + S…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd xilalkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in Cabdullaahi Kullane iyo Cabdiwaab Sheekh Cali xilkii looga qaaday kadib markii ay ka hor-imaadeen amarkii Ra’iisal wasaaraha ee dhigayey in qofna lagu celin karin garoomada dalka.

“Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

Wararka Maanta :   Global Initiative oo warbixin kasoo saartay Kalluumeysiga sharci darrada ah...

Sidoo kale waxa uu afhayeenka sii xoojiyey in marnaba loo dulqaadan karin in qof muwaadin ah lagu celiyo garoomada dalka, xili la filayo in dalka ka qabsoomto doorashooyinkii lagu heshiiyey 27-kii May.

Xil ka qaadista uu goordhoweyd sameeyay Ra’iisal wasaaraha ayaa daba socota dhacdo saaka garoonka Muqdisho loogu xanibay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu).

Cismaan Macalimuu oo saaka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyo garoonka, islamarkaana la is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kulane.

Wararka Maanta :   Shirkaddaha diyaaradaha Blue Sky iyo Halla Airline oo ka hadlay xanibaad la...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca