Connect with us

Warka Caalamka

Cudur aan la Garanayn oo Lagu Arkay Diblomaasiyiinta Mareykanka ee Austria

WASHINGTON(Wararka Maanta)-Mareykanka ayaa baaraya cudur aan ilaa iyo haatan la garanin oo saameeyay diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha dalkaas ee ku sugan safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Vienna ee dalka Austria.

In ka badan 20 xubnood oo ka tirsan safaaradda ayaa lagu arkay xanuunka oo calaamadihiisu u egyihiin midka loo yaqaanno Havana Syndrom.

Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha ayaa la sheegay in ay wajahayeen dhibaatada xanuunkan aan la aqoonsanin tan iyo markii uu talada dalka Mareykanka la wareegay madaxweyne Biden bishii January.

Wararka Maanta :   Koox Dabley ah oo Khaarijisay Madaxweynihii Haiti

Seynisyahannada Mareykanka ayaa sheegay in ay u badan tahay in xanuunkani yahay mid uu sababay kuleylka ay dhaliso korontada.

Markii ugu horraysay waxaa lagu arkay waddanka Cuba intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2017-kii.

Diblomaasiyiinta waddamada Mareykanka iyo Canada ee ku sugan magaalada Havana ayaa ka cawday xanuunkaas oo calaamadihiisa qaar ka mid ah lagu sheegay madax wareer, dhac dhac, maqalka oo luma iyo cabsi xad dhaaf ah.

Mareykanka ayaa xilligaa Cuba ku eedeeyay inay diblomaasiyiintooda ku weerareen waxyaabaha dhaliyay xanuunka taas oo ay Cuba beenisay.

Wararka Maanta :   Paul Pogba Iyo Ronaldinho Oo Kuwada Caweeyay Kuna Kulmay Hotell Ku Yaala...

Kiisaska Vienna waxaa markii ugu horraysay tooshka ku ifiyay wargayska New York oo maqaal ka daabacay maalintii Jimcada, markii dambena waxaa xaqiijisay wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanka oo sheegtay in ay baadhitaan qota dheer ku hayso.

Kiisas kale oo ku saabsan xanuunkan ayaa laga soo tabiyay meelo ka mid ah caalamka, laakiin saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in tirada lagu arkay magaalada Vienna ay ka badan tahay magaalo kasta, marka laga reebo Havana.

Wararka Maanta :   Yaa Soo Maleegay Dilkii Madaxweynaha Haiti?

Wararka Maanta

Warka Caalamka

Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida oo xir xiray dad taageerayay TPLF…

Wararka Maanta

28 qof oo lagu tuhmayo inay taageeri jireen maleeshiyaadka Kooxda TPLT ayaa lagu xir xiray Magaalada jigjiga ee Xarunta Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada Booliska degaanka ayaa dadkaasi xirxiray, kuwaas oo looga shakiyay inay taageerayeen Kooxda TPLF oo dagaalka kula jirta Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Komishineerka booliska deegaanka soomalida Maxamed Yare ayaa Warbaahinta u sheegay xariga dadkaasi, waxaana uu sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay hantidii ay lahaayeen oo la tuhunsanyahay inay ku maal galinayeen TPLF ama ay horayba uga dhaceen shacabka deegaanka xiligii taliskii TPLF.

Wararka Maanta :   XOG: Xiisadda FILISH iyo Caanaboore oo weli taagan, lana gaarsiiyey Fa...

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa waxaa ay dagaal adag kula jirtaa Kooxda TPLF eek u sugan Gobolka tigreega ee Waqooyiga Itoobiya, waxaabna dagaalka qeyb ka ah Ciidamada dowlad deganka Soomaalida oo dhawaan ku biiray.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Soomaali Hanti farabadan looga boobay dalka Koonfur Afrika – Radio…

Wararka Maanta

Khasaaare nafeed iyo mid hantiyadeed oo xooggan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika kasoo gaaray rabshadihii ka dhacay meelo kamid ah dalkaas.

Meelaha ugu daran ee khasaaraha hantiyadeed uu kasoo gaaray rabshadihii ka dhacay dalka Koonfur Afrika Ganacsatada Soomaalida  ayaa waxaa kamid ah degaano ku yaal duleedka Magaalada johanispeg iyo degaano kale.

Xasan Cumar & Maxamed Suufi Axmed oo kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku hanta waayay boobkii ka dhacay gobolka Qowteyn ayaa sheegay in boobka uu ahaa mid an loo kala saarin Soomaalida, Ajaanibta kale iyo waliba Ganacsatada ku dhashay dalkaas.

Wararka Maanta :   Yaa Soo Maleegay Dilkii Madaxweynaha Haiti?

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in laga boobay hanti lagu qiimeeyay in ka badan 800, 000 oo Dollar, kadib markii burcad Koonfur Afrikan ah ay boobee, sidoo kalena ay jiran ganacsato kale oo hantidooda la  boobay.

Rabshadihii ka dhacay magalyin ka tirsan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu saameyn weyn ku yeeshay Soomaalida ku ganacsatada dalkaas, iyada oo ay jiraan ilaa 5 Dhalinyaro Soomaali ah oo rashadaha lagu dilay.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

SAWIRO:-Wasiirka difaaca & Arimaha Dibadda Airland oo Muqdisho soo…

Wararka Maanta

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay Wafdi uu hoggaminayo Wasiirka Wasaaradda Difaaca iyo Arimaha Dibadda Airland Simon Coveney iyo Xubno kale oo la Socday..

Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaaada muqdisho kusoo dhaweeyay  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu Wehliyo Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq.

Intaasi kadib Wafdiga ka socda dowladda Airland ayaa waxaa ay kulan gaar ah la yeesheen Wasiirada Gaashaandhigga & Arrimaha dibadda Soomaaliya, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal & taageero dhinaca Amniga ah oo la siiyo Soomaaliya.

Wararka Maanta :   XOG: Xiisadda FILISH iyo Caanaboore oo weli taagan, lana gaarsiiyey Fa...

Sidoo kale Wafdiga ka socday dowladda Airland ayaa uga mahad celiyay wasiirada Dowladda Soomaaliya sida ay u soo dhaweeyeen, iyaga oo balan qaaday in ay dowladda Soomaaliya ka garab istaagi doonaan taageero dhinaca Amniga ah.

Wafdiga  uu hoggaminayo Wasiirka Wasaaradda Difaaca iyo Arimaha Dibadda Airland Simon Coveney ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya.

Wararka Maanta :   Gabadh 13 jir ah oo u geeriyootay gudniinka Fircooniga ah oo lagu sameeyay

Wararka Maanta Wararka Maanta Wararka Maanta

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Saxafi loo xiray Akhrin La’aanta Wareegto Madaxweyne – Wararka Maanta:…

Wararka Maanta

Weriyaha xiran oo lagu magacaabo Alferd Angasi Dominic kana mid ah War Alhriyayaasha Warbaahinta Qaranka Koonfurta Sudan ayaa waxa uu u xiran yahay Hay’adda Nabadsugida Qaranka ee Koonfurta Suudaan ee loo soo gaabiyo NSS.

Mid ka mid ah Suxufiyiinta Warbaahintaasi oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in Alferd Angasi Dominic la xiray, kadib, markii uu Weriyaha xiran fasax qaatay hal maalin ka hor Maalintii uu War Akhrinta uu lahaa, iyadoo ay Xaaskiisa xanuunsanayd.

Wararka Maanta :   Tirada dhimashada  iyo dhaca oo kusii baahaya Koonfur Afrika - Radio...

Balse, qaar ka mid ah Weriyayaasha ayaa u turjumay maqnaanshihiisa inuu diidanaa inuu akhriyo Wareegto Madaxweyne Silva Kiir ka soo saaray Dib-u-dhiska Gole Ku-meel-gaar ee Dowlad-gobaleed.

Xubno la socday Hay’adda NSS ayaana la sheegay inay Saxafiga ka kaxeysteen goobtiisa shaqada, isagoo ilaa haatana ku xiran Xabsiga Hay’addaasi.

Waxaa socda dadaal lagu doonayo in lagu sii daayo Saxafiga ku eedeysan inuu shaqada uga baaqday, si uusan u akhrinin Wareegto Madaxweyne.

Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Warbaahinta Qaranka dalka Koonfurta Suudaan ee SSBC iyo Saraakiil ka tirsan NSS-ta ayaa bishan July 15-dii Kulan ka yeeshay Qaddiyada Saxafiga xiran.

Wararka Maanta :   XOG: Xiisadda FILISH iyo Caanaboore oo weli taagan, lana gaarsiiyey Fa...

Labada dhinac ayaa la sheegay inay isla qaateen in Saxafiga la sii daayo, balse, weli waxa uu dhex yururaa Xabsiga.

Saraakiisha NSS-ta waxay sheegeen in la sugayo Sarkaalkii bixiyey Amarka lagu xiray War-Akhriye Alferd Angasi Dominic.

Sarkaalka ayaa la sheegay inuu fasax ku maqan yahay, mana kala cadda Xilliga uu shaqada ku soo laabanayo.

Nidaamka Hay’adda NSS-ta dalkaasi u degaan ayaa ah inaan qofka la sii Dayn Karin ilaa uu Sarkaalkii soo xiray uu bixiyo Amarka Eedeysanaba lagu sii dayn doono.

Wararka Maanta :   Taalibaan oo qabsatay magaalooyin waaweyn oo horleh - Wararka Maanta:...

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Uhuru Kenyatta oo jeediyay hadal lagu tilmaamay inuu ka dhan yahay…

Wararka Maanta

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa carabka ku adkeeyay sida ay dalkiisa uga go’an tahay in xuduudihiisa uu uga difaaco shisheeye kasta oo soo faro-galiya.

Waxaa uu digniin u jeediyay xoogag uusan magacaabin oo uu sheegay in aysan xushmeynayn madaxbanaanida dhuleed ee Kenya.

Hadalkan oo uu jeediyay mar uu booqanayay keynta Boni ee ku taaalla deegaanka Lamu una dhaw xuduudda Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday in dalkiisa uusan marnaba aqbali doonin cid kasta oo sheegata qeyb ka mid ah dhulkiisa.

Wararka Maanta :   Tirada dhimashada  iyo dhaca oo kusii baahaya Koonfur Afrika - Radio...

“Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo,” ayu yiri madaxweyne Kenyatta.

Hadalkiisa ayaa loo fasiray in uu yahay farriin uu u dirayo Soomaaliya oo uu muran dhanka badda ah kala dhaxeeyo Kenya.

Dhanka kale, keynta Boni oo ku taalla xuduudda Soomaaliya ayaa ah mid ay gabbaad ka dhigteen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, halkaasi oo ay ka soo qaadaan weerarada ay ka fuliyaam deegaannada Lamu, Garissa iyo Tana River.

Wararka Maanta :   Gabadh 13 jir ah oo u geeriyootay gudniinka Fircooniga ah oo lagu sameeyay

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Nin ku safrayey Aqoonsiga Xaaskiisa oo la qabtay – Wararka Maanta:…

Wararka Maanta

Booliska dalka Indonesia waxay gacanta ku dhigeen Nin iska dhigayey Haweeney oo ku safrayey Dukumentiyada Aqoonsiga Xaaskiisa iyo Caddeynteeda Baaritaanka inaan iyada laga helin COVID 19.

Ninkaasi oo magaciisa loo soo gaabiyey DW oo horey looga helay COVID-19 waxa uu raacay Diyaaradda Shirkada Citilink ee qiimo jaban oo isaga kala gooshaysay caasimada dalkaasi ee Jakarta iyo magaalladda Ternate oo ku taalla W/Bari ee dalkaasi.

Ninkaasi oo Niqaabka ku qariyey jirkiisa ilaa lugihiisa ayey u suurto-gashay inuu Diyaaradda raaco, iyadoo aan laga shakanin Muuqiisa iyo Aqoonsiga uu ku dhoofayey.

Wararka Maanta :   RW Rooble oo Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay doorashooyinka -...

Balse, xaallada waxay kashifantay, xilli ay Diyaaradda Hawada ku jirtay, kadib, markii mid ka mid ah Shaqaalaha Diyaaradda uu arkay Ninkii ku labisnaa Labiska Dumarka oo sii galaya Suuliga Diyaarada, kadibna soo baxay isagoo soo xiray dharka u gaarka ah Ragga.

Ninkii Shaqaalaha waxa uu arrinkii ku wargeliyey Duuliyihii, kadibna waxay la sii wadaageen Madaxda Ammaanka ee Garoonka magaalladda Ternate.

Markii ay Diyaaradii caga-dhigatay Garoonka waxay Saraakiisha Garoonka gacanta ku dhigeen Ninkii ku safrayey Dukumentiyadii Xaaskiisa, waxayna ku Karantiileen gurigiisa.

Wararka Maanta :   Gabadh 13 jir ah oo u geeriyootay gudniinka Fircooniga ah oo lagu sameeyay

Wararka waxay sheegayaan in Ninkaasi loo gudbin doono Maxkamadda marka uu dhamaysto Karantiilka, Donna looga baaro COVID-19.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca