Connect with us

Warka Ciyaaraha

Barcelona Oo Xiisayneyso Daafaca Kooxda Vallencia Jose Gaya.

Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa xiiseyneysa daafaca buuxa ee Naadiga Valencia Jose Gaya oo u dhashay wadanka Spain sida laga soo xigtay Mundo Deportivo xidigaan ayaa in badan lala xariirinayey kooxda barcelona iyagoo u arkayey in uu yahay bedelka saxda ah ee Jordi Alba.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa joojiyay wadahadalo qandaraas cusub oo uu la la yeelan lahaa kooxdiisa Vallencia iyadoo ay xiiseynayaan kooxo badan oo ka dhisan horyaalada Premier league iyo La liga horjeeda.

Wararka Maanta :   Barcelona Oo Ku Dhow Daafaca Kooxda Ac Milan Alessio Romagnoli. -...

Xaaladda dhaqaale ee Los Che waxay la micno tahay inay la halgamayaan sidii ay u sii hayn lahaayeen qaar ka mid ah ciyaartoyda waqtiga wacan ku qaatay Vallencia xagaagan waxaana sidoo kale la rumeysan yahay inay diyaar u yihiin inay iska iibiyaan Gaya hadii laga soo gubiyo qiimaha saxda ah.

Wararka Ciyaaraha!

Warka Ciyaaraha

Saul Niguez Oo Ka Tagaya Atletico Madrid Xilli Manchester United, Liverpool…

Saul Niguez ayaa lagu soo waramayaa in la siiyay fursad uu kaga tago Atletico Madrid iyadoo lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Manchester United iyo Liverpool .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain ayaa 337 kulan u saftay Atletico, waxaana weli uu heestaa shan sano oo qandaraaskiisa haatan uu ku joogo Wanda Metropolitano.

Si kastaba ha noqotee, 26 jirkaan – oo aan ka mid aheyn xulka Spain Euro 2020 – ayaa ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo xilli ciyaareedkii hore.

Wararka Maanta :   Juventus oo labo xidig fasaxeysa si ay usoo qaataan Paul Pogba.

Khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in Atletico ay diyaar u tahay inay lacag kaash ah xagaagan ku iibiso Saul, inkastoo ay qaadan karto dalab dhan 68m.

Waxay ku soo aaday iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Diego Simeone kooxdiisa la filayo inay keenaan Rodrigo De Paul oo ka socda Udinese maalmaha soo socda.

United ayaa la rumeysan yahay inay waqti dheer jecleyd Saul, iyadoo si joogta ah loola xiriirinayay ciyaaryahanka khadka dhexe sannadihii ugu dambeeyay, halka Liverpool ay sidoo kale baadi goob ugu jirto xiddig kale oo khadka dhexe ah.

Wararka Maanta :   Liiska: Shaxda Ugu Adag Ee Xulka England Ku Soo Bilaabanayo UEFA Euro 2020

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Isku Aadka Premier League Oo La Shaaciyay: Furitaanka Usbuuca Hore,…

Xilli ciyaareedka 2021-22 ee Premier League-ga ayaa bilaabmi doona Ogosto 14, iyadoo kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City ay furi doonto difaacashada horyaalkeeda iyadoo marti ah Tottenham.

Dhinaca kale kulamada wareegga koowaad, Arsenal iyo kooxda heysata horyaalnimada Yurub ee Chelsea ayaa labadoodaba ciyaari doona taariikhaha London Derby, iyadoo Arsenal uu u safri doonto wiilasha ku cusub Premier League Brentford halka Chelsea uu martigelin doono Crystal Palace.

Ole Gunnar Solskjaer iyo Manchester United ayaa Old Traffrod ku soo dhawayn doona Leeds United halka Liverpool ay Carrow Road kula ciyaari doonto kooxda ku soo guulaystay Champions League ee Norwich City.

Wararka Maanta :   Inter milan oo dhameystiraysa Daafaca kooxda chelsea Emerson Palmieri.

Kooxda ku guuleysatay koobka FA Cup ee Leicester City ayaa wajaheysa Wolves, kooxda tababare la’aanta Everton waxa ay la ciyaari doontaa Southampton si ay ugu diyaar garowdo, Burnley waxa ay wajihi doontaa Brighton, Newcastle United waxa ay taariikh la yeelan doontaa West Ham iyo kooxda ugu dambeysa soo dalacday ee Watford waxa ay gurigooda kula ciyaarayaan Aston Villa. .

Ololaha cusub wuxuu raaci doonaa qaabkii soo jireenka ahaa ee soconayay ilaa May 22 ee sanadka dambe ka dib ololaha 2020-21 waa in la soo gaabiyo si loogu ciyaaro ciyaaro dheeri ah iyadoo uu jiro cudurka faafa ee coronavirus

Wararka Maanta :   UK oo Ciiddamo Khaas ah u soo direysa Soomaaliya - Wararka Maanta: Somali News...

Kulan afka ah oo Liverpool iyo Chelsea ku dhex mari doona Anfield ayaa dhici doona Ogosto 28, iyadoo kooxda Pep Guardiola ee City ay isniinta la ciyaari doonaan Arsenal.

Kulankii ugu horreeyay ee waqooyiga London ee ololaha waxaa qalinka lagu duugi doonaa 25-ka Sebtember – maalin taas oo sidoo kale arki doonta City oo timaadda Stamford Bridge si ay ula dagaallanto Chelsea.

Kulamada furitaanka Premier League 2021-22

Taariikhda Waqti Tartan
14/08/2021 15:00 Brentford v Arsenal
14/08/2021 15:00 Burnley v Brighton
14/08/2021 15:00 Chelsea v Crystal Palace
14/08/2021 15:00 Everton v Southampton
14/08/2021 15:00 Leicester City v Wolverhampton
14/08/2021 15:00 Manchester United v Leeds United
14/08/2021 15:00 Newcastle United v West Ham United
14/08/2021 15:00 Norwich City v Liverpool
14/08/2021 15:00 Tottenham Hotspur v Manchester City
14/08/2021 15:00 Watford v Aston Villa

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Man City Oo Booska Bernando Silva Usoo Qaadaneyso Mikel Oyarzabal.

Xiddiga garabka kaga ciyaara Sociedad Oyarzabal ayaa bartilmaamed u noqday Pep Guardiola waxaana uu imaan karaa garoonka Etihad Stadium suuqa xagaagaan waxaana macalinka reer spain uu bedel u noqon karaa xidigaha ka bixi doono kooxda man city xagaagaan.

Xiddiga reer spain oo garabka ka ciyaara kana tirsan Real Sociedad Mikel Oyarzabal ayaa mar kale diirada ugu jira kooxda Manchester City kaasoo u dhaqaaqi kara kooxda reer Spain hadii Bernardo Silva ama Raheem Sterling ay ka baxaan xagaagan,

Wararka Maanta :   Manchester City Oo 'go'aansatay Inay Lasoo Saxiixato Harry Kane Xagaagan'

Sida uu qoray wargayska Eurosport 24-jirkan ayaa diirada u saarnaa maamulaha man city Pep guardiola ka hor inta uusan lasoo wareegin Ferran Torres man city ayaa dhowr xidig ka diri doonto safkeeda koobaad sida shaaca ka qaadeen warar madax banaan oo england kasoo baxay.

 

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Wararka Isbuuca