Connect with us

Wararka Somali

Askari ka tirsan Haramcad oo bixiyey xog yaab leh oo ku saabsan aragtida ciidanka…

Muqdisho (Wararka Maanta) – Sayid Cali Xasan oo kamid ahaa ciidanka Haramcad, islamarkaana ahaa muuqaal duubaha gaarka ah ee ciidamada, ayaa shaaciyey arrin argagax leh oo ku aadan mucaaridka, taasi oo ay si gaar ah u beegsadaan inta badan ciidamadaan.

Saydi Cali oo dhawaan lagu eedeyay inuu ka dambeeyay weerarkii ay ciidamada Haramcad ku qaadeen Idaacadda Mustaqbal ayaa wareysi gaar ah uu bixiyey iskaga fogeeyay eedeymahaas, wuxuuna banaanka keenay arrimo badan oo ku aadan howl-galada ciidamada.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda laga dhaadhiciyo in mucaaradka kasoo horjeeda dowladda ay yihiin cadow mudan “in xoolahooda la qaniimeysto”, midaasi oo lamid ah qorshaha ay argagixisada u adeegsato dagaal-yahaanadeeda.

“Askari kasta ayaa laga dhaadhiciya in waxwalba oo mucaaradka leeyihiin ee kasoo horjeeda dowladda ay yihiin qaniimo. Haddii askariga loo sheego oo la dhaho gurigaan nin mucaarad ah ayaa iskaleh, Xasan Sheekh ama Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa markiiba kusoo dhaceysay qaniimeysiga,” ayuu yiri.

Wararka Maanta :   Rooble oo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Sidoo kale waxa uu sheegay in xafiiska madaxweynaha uu beegsi gaar ah ku hayo warbaahinada baahiya waxyaabaha ay dhibsato, gaar ahaan adeegsiga magaca “Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday”  oo si weyn uga carooto Villa Somalia.

“Idaacad kasta oo ka aragti duwan oo ku dhawaaqda ereyga madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waxa uu qorshaha yahay in la beegsado, oo wariyaha la beegsado, xafiiska Madaxweynaha ayey awaamiirtaas toos uga timaada,” ayuu yiri.

Waxa uu shaaciyey in dowladda ay qorshaha ugu jirto inay weerarto warbaahind dhowr ah oo ay dhibsatay qaab tabantooda, kuwaasi oo ay kamid yihiin Goobjoog iyo Radio Kulmiye, sida uu sheegay.

Arrimaha uu shaaca ka qaaday Sayid Cali oo ah kuwo xasaasiya ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyey Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, oo uu sheegay in aan ciidan qaran laga filan karin.

“La-yaab waxa leh askari ka tirsan ciidamo qaran inuu isticmaalo asagoon la qasbayn erayo la mid ah kuwa shabaabku sida xun ugu isticmaalaan boobka hantida dadka. Waxaase in la isweydiiyo mudan ciidamadii amniga dalka in ay ilaaliyaan loo soo tababaray inay ka hortagaan argagixisada inay noqdaan kuwo erayo dhibaya Farmaajo hawl-galadooda saldhig looga dhigo, amarkana ka qaata xafiiska Villa Somalia,” ayuu yiri.

Wararka Maanta :   Maamulka gobolka Banaadir oo war kasoo saaray xiisaddii ciidanka DF iyo Saadaq Joon - Caasimada...

“Wiilkan dhallinyarada ah ee waraysiga bixinayey waxaa ka muuqatay degenaan iyo inuu iska rogayey eedo si gaar ah asaga dusha looga tuuray balse wuxuu daaha ka rogay arrimo dadka badankiisu aysan ogeyn laakin in muddo ah dad xog ogaal ahi ay sheegi jireen.”

Fiqi ayaa isdul taagay qoddobo ku jiray wareysiga Sayid Cali Xasan oo kamid ahaa ciidanka Haramcad oo muujinayey hanaanka guracan ee loo adeegsado ciidamadaas, kuwaasi oo u dhignaa sidan;

1. Wuxuu isticmaalay erayga “Qaniimo” oo ah eray ay kooxda shabaabku si xun u adeegsadaan marka ay xalaashanayaan xoolaha dad ay aaminsan yihiin in ay gaalo yihiin.
2. Wuxuu sheegay in askarta hantidaas ku qamaamtay uu qof walba wixii uu qaadan karo u fasaxan yahay oo aysan jirin isla xisaabtan iyo tirakoob lagu sameeyo wixii meeshaas laga qaaday.
3. Wuxuu sheegay ciidankaas weerarada iyo hawlgallada ay samaynayaan in taliska Booliska ee uu hoostago aysan wax war ka heyn.
4. Wuxuu sheegay in ay beegsadaan warbaahinta isticmaasha erayga “Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ama madaxweynihii hore”.
5. Wuxuu sheegay in madaxtooyada uu ka yimaado amarka ay uga hawlgalayaan goobaha iyo shaqsiyaadka ay weeraraan.
6. Wuxuu sheegay qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho ka hawlgala in weerarada soo socda ay ku soo wajahan yihiin asagoo sidoo kale magacaabay qaar ka mid ah hogaamiyaasha mucaaradka guryahooda in la qaniimaysto in ay amarkeeda haystaan.

Wararka Maanta :   Maxay mucaaradka ka yiraahdeen heshiiska ciidamada looga saarayo Muqdisho? -...

Hoos ka daawo muuqaalka

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Bankiga Dhexe Somaliya oo Liisanka Mobile Money guddoonsiiyay…

Bankiga Dhexe ee Somaliya ayaa maanta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel guddoonsiyay ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada leeskugu diro ee Mobile Money Licence.

Ruqsadan ayaa ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka dalka, ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo lee yahay.

Adeegga lacagaha teleefanada ee Somtel bixiso (e-dahab) ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn looga icticmalayay dalka.

Masuuliyiin uu ugu sareeyay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Somaliya, Khaliif Cabdi Cumar ayaa ka qaybgalay munaasabadda Somtel lagu guddoonsiyay ruqsadan oo lagu qabtay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta :   Madaxda Sudan iyo Eritrea oo Kulan ku leh Khartoum - Wararka Maanta: Somali News...

Wasiirka Ganacsiga oo munaasabadda ka hadlay ayaa marka hore bogaadiyay shirkadda la guddoonsiyay ruqsadan, oo buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay tani meesha ka saareyso nuglaanshaha adeegga maaliyadeed ee dalka, maalgelinta argagixisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ku aaddan lacagaha aan nidaamsanayn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in adeegani uu fududeeyo ganacsiyada yar yar, oo sida uu sheegay lafdhabar u ah dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Liisanka adeegga e-dahab guddoonsiiyay Maareeyaha Guud ee Dahabshiil Group, Xasan Cabdi Cawad.

Wararka Maanta :   Rooble oo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa sheegay in Somtel ay noqonayso shirkaddii labaad oo hesho aqoonsigan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

27-kii bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ugu horeysay oo Baanka Dhexe uu bixiyo ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada ee loo yaqaano Mobile Money Licence, oo xilligaa la guddoonsiiyay Hormuud Telecom.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Militeriga Soomaaliya oo ka hor-tegay qorshe ay damacsanaayeen…

Muqdisho (Wararka Maanta)- Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ciidanka xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkii maanta oo si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Busleey iyo Buulo-Aluundi ayaa waxaa qaaday ciidamada dowladda, kadib markii ay ka war-heleen weerar abaabulan oo uga soo wajahnaa dhanka Al-Shabaab.

Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay Al-Shabaab uga dileen 7-dagaalame, sidoo kale ay ku dhaawaceen tiro kale.

Wararka Maanta :   Wasiir Beyle oo ka hadlay lacagta cusub ee ay soo daabceyso DF Soomaaliya

Guutada 14-ka October militeriga Soomaaliya ayaa fulisay howgalkan lagu dilay dagalamayaasha ka tirsanaa Al-Shabaab.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, waxaana aad u yar weerarrada laga hor-tago oo ay soo abaabusho kooxdu.

Hase yeeshee ciidamda dowladda ayaa la sheegay inay maanta ka war heleen weerar culus oo kooxdu ay la damacsaneed fariisimo ay militeriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka Maanta :   Warbixin: Xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho oo ka baxay gacanta dowladda - WararkaMaanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi soo baara xaaladda…

Sabti, Juun, 12, 2021 (Wararka-Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji, waxaana xubno ka ah taliyaha ciiddanka xogga dalka iyo safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Magacaacidda guddigan ayaa ka dhalatay qeylo dhaan soo laalaabatay oo ka timid waalidiin Soomaaliyeed oo ka cabanayay in carruurtooda laga qeyb galiyay dagaaladii ka dhacay Ethiopia.

Wararka Maanta :   Faahfaahin kasoo baxeysa qarax miino oo Maanta ka dhacay degmada Balcad

Maalintii khamiistii, maamulka Puntland ayaa soo bandhigay shan dhalinyaro ah oo sheegay in ay kasoo baxsadeen Eritrea, kuwaas oo sheegay in dhalinyaradii tababarka loo qaaday qaar la dilay.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacaabay guddi baara cabashada…

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baara cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee sheegay inaanay ka war hayn ubadkoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Wararka Maanta :   Wasiir Beyle oo ka hadlay lacagta cusub ee ay soo daabceyso DF Soomaaliya
Continue Reading

Qaybaha

Advertisement

Wararka Isbuuca