Connect with us

Warka Caalamka

Al-Shabaab oo Carruur farabadan ka afduubatay Mozambique – Wararka Maanta:…

Wararka Maanta

Jihaadiyiinta qalalaasaha ka wada qaybo ka mid ah woqooyiga Mozambique ee loo yaqaan Al-Shabaab saddexdii iyo barkii sano ee la soo dhaafay ayaa daraasiin carruur ah ku afduubtay weeraro ay qaadeen sanadkii tagay ee 2020, sidaasina waxaa warbixin la daabacay Arbacada maanta ah ku sheegtay hay’adda samafalka Britain ee Save the Children.

Hay’adda ayaa sheegtay in “afduubka carruurta uu noqday xeelad cusub oo cabsi leh joogtana ah oo qaadaan kooxaha hubeysan ee ku lugta leh colaadda,” waxaana ay xustay in tirada la wariyay ay u badan tahay in ay ka sarreyso qiyaasta ay sameysay, sida lagu saleeyay xog ay soo aruurisay xarunta aruurisa macluumaadka colaadaha ee ACLED ee fadhigeedu yahay Mareykanka.

Wararka Maanta :   Soomaaliya & Azerbaijan oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah - Wararka Maanta:...

Waxa ay tiri “ugu yaraan 51 caruur ah, oo badankood gabdho yihiin” ayaa lagu qafaashay gobolka Cabo Delgado, halkaas oo weerarada Islaamiyiinta ay ku barakaceen ilaa 700,000 oo qof tan iyo 2017 oo ay rabshaduhu bilowdeen.

Mintidiinta oo gudaha dalkaasi looga yaqaan Al-Shabab ayaa argagax ku haya waqooyiga Mozambique, waxayna gubaan guryaha, qoor gooyaan dadka, iyadoo qaarna ku qasba in ay askareeyaan.

Bishii March, kooxdan mintidka ah ee xiriirka la leh Daacish ayaa weeraro xiriir ah ku qaadday magaalada Palma, iyagoo dilay daraasiin dad ah, 67 kun oo qofna ku qasbay in ay guryahooda isaga cararaan.

Wararka Maanta :   Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo markale shir ku yeelanaya magaalada...

Ku dhowaad kalabar dadka barakacay ayaa ahaa gabdho, iyadoo tirada caruurta la afduubtay in intan aad uga badan karto.

Wararka Maanta!

Warka Caalamka

Askar Kenyan ah oo ku dhintay diyaarad soo dhacday – Wararka Maanta:…

Wararka Maanta

Sarkaal boolis oo Kenyan ah ayaa sheegay in 17 askari ay geeriyoodeen markii diyaarad helicopter ah oo ay ugu safrayeen layli ay ku dhacday duleedka magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Lix qof oo kale oo qaba dhaawacyo darran ayaa laga soo bad-baadiyey goobta diyaaradda ay ku dhacday oo ah Ole-Tepesi, oo ka tirsan degmada Kajiado, sida uu sheegay sarkaalka, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo la xiriira inaan loo fasaxin inuu warbaahinta la hadlo.

Wararka Maanta :   Netanyahu oo uu Gabbalkiisu Dhacay

Militari Kenya ayaa xaqiijiyey in diyaaradda ay dhacday, hase yeeshee ma aysan bixin faah-faahin. Militariga ma jecla inay shaaciyaan warbixinada khasaare intaas le’eg.

Qoraal kooban oo ay soo dhigeen twitter-ka ay militariga ku sheegeen in hadda uu socdo howlgal badbaadin ah.

Sarkaalka boolis ayaa sheegay in 23 askari ay saarnaayeen diyaaradda, markii ay dhacday subaxnimadii Khamiista.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Wafdi ka socda Booliska Caalamiga ah ee Interpol oo soo gaaray…

Wararka Maanta

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti INTERPOL ah wafdigaan oo ahaa heer caalami, ayaa booqasho ku yimid, Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee uu ku yaalo Xafiiska Hoggaanka Interpol.

Hayada Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo bah-wadaag la ah Ciidanka Boliiska, ayaa iyaduna qeyb ka aheyd kulanka, waxaana ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Hay’ada, G/sarre Maxamed Adan Koofi.

Ugu danbeyn, kulanka ayaa lagu gorfeeyay howlaha iyo Iskaashiga Interpol ee dhanka hay’adaha Amniga Soomaaliya, waxaana lagu balamay wadashaqeyn iyo iskaashi heer caalami ah.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Beesha Caalamka oo Ku Baaqday Baaritaan Lagu Sameeyo Weerar Ka Dhacay Gobolka…

Wararka Maanta

ADDIS ABABABeesha caalamka ayaa si kulul u cambaareysay sidoo kalena codsatay baaritaan lagu sameeyo weerar la sheegay in diyaaradaha milatariga Itoobiya ay ku duqeeyeen suuq ku yaalla magaalada Togoga ee gobolka Tigray.

Weerarkaas ayaa la sheegay in uu sababay khasaare naf iyo maalba leh oo soo gaaray dad rayid ah.

Qaramada Midoobay ayaa dowladda Itoobiya ugu baaqday in ay baadhitaan dhab ah ku samayso dhacdadaas lagu duqeeyay suuqa.

Mareykanka ayaa isaguna tilmaamay walaaca ay duqeyntani ku sii biirisay dhibaatooyinkii ka taagnaa gobolka Tigray isaga oo dowladda Itoobiyana ugu baaqay in ay gargaar caafimaad u fidiso dhibbanayaashii ku waxyeelloobay weerarkaas.

Wararka Maanta :   Itoobiya oo hay'adaha gargaarka ku eedeysay iney hub...

Midowga Yurub ayaa duqeyntan ku micneeyay mid argagax badan oo meel ka dhac ku ah xuquuqda aadanaha iyaga oo arrinatan ku soo hadal qaadi doona kulankooda Khamiista iyo Sabtida.

Saraakiisha caafimaadka isbitaalka weyn ee Mekelle ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 60 qof ay dhinteen in ka badan 40 kalena ay ku dhaawacmeen duqeynta ciidamada Itoobiya ay u geysteen suuqa waxayna intaa ku dareen in ay ka cabsi qabaan in khasaaruhu intaa ka sii bato.

Wararka Maanta :   Maamulada Gobolka Banaadir & Konya oo heshiis kala saxiixday - Radio...

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Madaxweynaha Dowlad degaanka oo safar deg deg ah ku tagaya Berbera -…

Wararka Maanta

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo wafdi heer federaal ah oo uu hoggaaminayo ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Jigjiga, iyaga oo ku wajahan magaalada Barbara oo ay ku tagi doonan diyaarad khaas ah.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa ka qeyb-galaya xarig ka jarka Dekadda Magaalada Berbera oo dib u casriyayn ballaaran lagu sameeyay.

Wasiirka maaliyadda deegaanka Soomaalida Mubashir Dubbad Raage oo kamid ah Wafdiga Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ayaa yiri.

“Waxaan u amba baxbay, Bar bara oo aan maanta ka qayb qaadanayno xaflada furitaanka dakada Bar bera, oo kamida mashruuca horumarineed ee loo yaqaan Kadinka Barbara. Waxay wax badan ka badalay saa xidhiidh ka soo jireenka, walaal tinimo, dhaqaale iyo bulsho re deegaanka Somaalida iyo Somaliland”.

Wararka Maanta :   Dad Ku Geeriyooday Shil Tareen oo Ka Dhacay Bakistaan

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa ka qeyb galaya munaasabadda xarig jarka ballaarinta lagu sameeyay dekadda Berbera.

Previous articleDHAGEYSO: Warka Subax 24-6-2021

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Bangiga Adduunka oo taageero horleh siinaya Soomaaliya – Radio…

Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abuukar, (Cabdullahi Carab) iyo Madaxa Waxbarshadda Bariga iyo Koofurta Afrika Muna Salih Meky ayaa Aaladda Fogaan Aragga (Zoom meeting) kaga wada hadlay sidii ay iskaga kaashaan lahaayeen hurumarinta Waxbarshada.

Wasiirka Waxbarashada, Madaxa Madaxa Hurumarinta Waxbarashada Banka Aduunka ee Bariga, Koofurta Afrika ayaa kawada hadlay mashaariic ay iska kaashanayaan labada dhinac, uuna maalin gelinayo Bangiga Adduunka, ayaga oo isku afgartay in la bilaabo mashaariic cusub oo hadda diyaar ah.

Wararka Maanta :   Ciyaaryahan Christian Eriksen oo xaalad halis ah galay -...

Wasiirka Waxbarashada ayaa balanqaaday ka miro dhalinta Mashaariicda ay kawada shaqeeyaan Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Somaaliya ee Arrimaha Waxbarashada.

Shirka ayaa kusoo dhamaaday ayada oo la isku afgartay dhaman qodobadii laga wada hadlay iyo sii xoojinta wada shaqeynta Ka dhaxeysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Bankiga Adduunka..

Previous articleDagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Mareykanka oo Xayiray Bogag Iiraan ay Ku Lahayd Aaladda Internet-ka

Wararka Maanta

WASHINGTON(Wararka Maanta)-Mareykanka ayaa xayiray tobannaan barood oo dowladda Iiraan iyo maleeshiyaad ay taageerto ay ku lahaayeen barta Internet-ka.

Wasaaradda garsoorka Mareykanka ayaa sababta ay barahaasi u xayireen ku sheegtay in ay baahiyaan xogo marin habaabin ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay xayirtay 33 barood oo ay adeegsanayeen midowga idaacadaha iyo telefishinnada Iiraan iyo saddex barood oo ay maamulayeen ururka xisbullaah ee ka dhisan dalkaas.

Wakaaladda wararka Iiraan ayaa sheegtay in Mareykanku xidhay tiro ka mid ah baraha warbaahinta dowladda ay ku lahayd aaladda internet-ka iyo kuwo ay dowladdu taageerto sida kooxda Xuutiyiinta.

Wararka Maanta :   Rag hubeysan iyo gaari ay wateen oo lagu qabtay duleedka Muqdisho - Ca...

Xiritaanka Mareykanka ee baraha Iiraan ayaa yimi iyada oo todobaadkan ay dalkaasi ka dhacday doorashada madaxweynaha oo loo doortay Ibraahim Ra’iisi. Waxaa intaa sii dheer in laga dhursugayo in dhawaan uu soo baxo go’aan la xariira arrimaha wadaxaajoodka nukliyeerka Iiraan.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca