Connect with us

Warka Caalamka

11 Ruux oo Hal Goob Biriq ku dishay – Wararka Maanta: Somali News…

Wararka Maanta

Ugu yaraan 11 qof ayay biriq ku dishay waqooyiga Hindiya halka dad badan uu dhaawac kasoo gaaray dhacdadaas.

Xilliggii ay biriqda dhaceysay dadkan waxay sawirro isaga qaadayay goob caan ah oo loo dalxiis tego oo ku taalla gobolka Jaipur.

Ilaa 27 qof ayaa ku sugnaa goobta oo sawirro isaga qaadayay halkaas.

Biriqda waxay sanad kasta Hindiya ku dishaa ku dhawaad 2,000 oo qof.

Guddoomiyaha gobolka ayaa shaaciyay lacag dhan $6,700 doolar oo magdhaw ahaan loo siinayo qoysaska dadka ay waxyeellada kasoo gaartay masiibadan.

Wararka Maanta :   Itoobiya oo xirtay dad looga shakiyay inay taageeraan TPLF - Radio...

Wararka Maanta

Warka Caalamka

Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida oo xir xiray dad taageerayay TPLF…

Wararka Maanta

28 qof oo lagu tuhmayo inay taageeri jireen maleeshiyaadka Kooxda TPLT ayaa lagu xir xiray Magaalada jigjiga ee Xarunta Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada Booliska degaanka ayaa dadkaasi xirxiray, kuwaas oo looga shakiyay inay taageerayeen Kooxda TPLF oo dagaalka kula jirta Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Komishineerka booliska deegaanka soomalida Maxamed Yare ayaa Warbaahinta u sheegay xariga dadkaasi, waxaana uu sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay hantidii ay lahaayeen oo la tuhunsanyahay inay ku maal galinayeen TPLF ama ay horayba uga dhaceen shacabka deegaanka xiligii taliskii TPLF.

Wararka Maanta :   Guddoomiye Sanyare" Ganacsatadii ka qeyb qaadan weyda taakulaynta dagaalka ...

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa waxaa ay dagaal adag kula jirtaa Kooxda TPLF eek u sugan Gobolka tigreega ee Waqooyiga Itoobiya, waxaabna dagaalka qeyb ka ah Ciidamada dowlad deganka Soomaalida oo dhawaan ku biiray.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Soomaali Hanti farabadan looga boobay dalka Koonfur Afrika – Radio…

Wararka Maanta

Khasaaare nafeed iyo mid hantiyadeed oo xooggan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika kasoo gaaray rabshadihii ka dhacay meelo kamid ah dalkaas.

Meelaha ugu daran ee khasaaraha hantiyadeed uu kasoo gaaray rabshadihii ka dhacay dalka Koonfur Afrika Ganacsatada Soomaalida  ayaa waxaa kamid ah degaano ku yaal duleedka Magaalada johanispeg iyo degaano kale.

Xasan Cumar & Maxamed Suufi Axmed oo kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku hanta waayay boobkii ka dhacay gobolka Qowteyn ayaa sheegay in boobka uu ahaa mid an loo kala saarin Soomaalida, Ajaanibta kale iyo waliba Ganacsatada ku dhashay dalkaas.

Wararka Maanta :   Itoobiya oo xirtay dad looga shakiyay inay taageeraan TPLF - Radio...

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in laga boobay hanti lagu qiimeeyay in ka badan 800, 000 oo Dollar, kadib markii burcad Koonfur Afrikan ah ay boobee, sidoo kalena ay jiran ganacsato kale oo hantidooda la  boobay.

Rabshadihii ka dhacay magalyin ka tirsan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu saameyn weyn ku yeeshay Soomaalida ku ganacsatada dalkaas, iyada oo ay jiraan ilaa 5 Dhalinyaro Soomaali ah oo rashadaha lagu dilay.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

SAWIRO:-Wasiirka difaaca & Arimaha Dibadda Airland oo Muqdisho soo…

Wararka Maanta

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay Wafdi uu hoggaminayo Wasiirka Wasaaradda Difaaca iyo Arimaha Dibadda Airland Simon Coveney iyo Xubno kale oo la Socday..

Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaaada muqdisho kusoo dhaweeyay  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu Wehliyo Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq.

Intaasi kadib Wafdiga ka socda dowladda Airland ayaa waxaa ay kulan gaar ah la yeesheen Wasiirada Gaashaandhigga & Arrimaha dibadda Soomaaliya, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal & taageero dhinaca Amniga ah oo la siiyo Soomaaliya.

Wararka Maanta :   Ciraaq oo soo riday Drone iyo qasaare ka dhashay - Wararka Maanta:...

Sidoo kale Wafdiga ka socday dowladda Airland ayaa uga mahad celiyay wasiirada Dowladda Soomaaliya sida ay u soo dhaweeyeen, iyaga oo balan qaaday in ay dowladda Soomaaliya ka garab istaagi doonaan taageero dhinaca Amniga ah.

Wafdiga  uu hoggaminayo Wasiirka Wasaaradda Difaaca iyo Arimaha Dibadda Airland Simon Coveney ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Duulaan ku wajahnaa Turkiga oo la fashiliyey & Doorashada Somalia...

Wararka Maanta Wararka Maanta Wararka Maanta

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Saxafi loo xiray Akhrin La’aanta Wareegto Madaxweyne – Wararka Maanta:…

Wararka Maanta

Weriyaha xiran oo lagu magacaabo Alferd Angasi Dominic kana mid ah War Alhriyayaasha Warbaahinta Qaranka Koonfurta Sudan ayaa waxa uu u xiran yahay Hay’adda Nabadsugida Qaranka ee Koonfurta Suudaan ee loo soo gaabiyo NSS.

Mid ka mid ah Suxufiyiinta Warbaahintaasi oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in Alferd Angasi Dominic la xiray, kadib, markii uu Weriyaha xiran fasax qaatay hal maalin ka hor Maalintii uu War Akhrinta uu lahaa, iyadoo ay Xaaskiisa xanuunsanayd.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu dambeeyay Banaanbaxyada rabshadaha wata ee Koonfur Afrika...

Balse, qaar ka mid ah Weriyayaasha ayaa u turjumay maqnaanshihiisa inuu diidanaa inuu akhriyo Wareegto Madaxweyne Silva Kiir ka soo saaray Dib-u-dhiska Gole Ku-meel-gaar ee Dowlad-gobaleed.

Xubno la socday Hay’adda NSS ayaana la sheegay inay Saxafiga ka kaxeysteen goobtiisa shaqada, isagoo ilaa haatana ku xiran Xabsiga Hay’addaasi.

Waxaa socda dadaal lagu doonayo in lagu sii daayo Saxafiga ku eedeysan inuu shaqada uga baaqday, si uusan u akhrinin Wareegto Madaxweyne.

Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Warbaahinta Qaranka dalka Koonfurta Suudaan ee SSBC iyo Saraakiil ka tirsan NSS-ta ayaa bishan July 15-dii Kulan ka yeeshay Qaddiyada Saxafiga xiran.

Wararka Maanta :   Itoobiya oo xirtay dad looga shakiyay inay taageeraan TPLF - Radio...

Labada dhinac ayaa la sheegay inay isla qaateen in Saxafiga la sii daayo, balse, weli waxa uu dhex yururaa Xabsiga.

Saraakiisha NSS-ta waxay sheegeen in la sugayo Sarkaalkii bixiyey Amarka lagu xiray War-Akhriye Alferd Angasi Dominic.

Sarkaalka ayaa la sheegay inuu fasax ku maqan yahay, mana kala cadda Xilliga uu shaqada ku soo laabanayo.

Nidaamka Hay’adda NSS-ta dalkaasi u degaan ayaa ah inaan qofka la sii Dayn Karin ilaa uu Sarkaalkii soo xiray uu bixiyo Amarka Eedeysanaba lagu sii dayn doono.

Wararka Maanta :   SAWIRO:-Wasiirka difaaca & Arimaha Dibadda Airland oo Muqdisho soo...

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Uhuru Kenyatta oo jeediyay hadal lagu tilmaamay inuu ka dhan yahay…

Wararka Maanta

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa carabka ku adkeeyay sida ay dalkiisa uga go’an tahay in xuduudihiisa uu uga difaaco shisheeye kasta oo soo faro-galiya.

Waxaa uu digniin u jeediyay xoogag uusan magacaabin oo uu sheegay in aysan xushmeynayn madaxbanaanida dhuleed ee Kenya.

Hadalkan oo uu jeediyay mar uu booqanayay keynta Boni ee ku taaalla deegaanka Lamu una dhaw xuduudda Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday in dalkiisa uusan marnaba aqbali doonin cid kasta oo sheegata qeyb ka mid ah dhulkiisa.

Wararka Maanta :   Midowga Afrika oo Cambaareeyay Qulqulatooyinka Ka Socda K/Afrika

“Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo,” ayu yiri madaxweyne Kenyatta.

Hadalkiisa ayaa loo fasiray in uu yahay farriin uu u dirayo Soomaaliya oo uu muran dhanka badda ah kala dhaxeeyo Kenya.

Dhanka kale, keynta Boni oo ku taalla xuduudda Soomaaliya ayaa ah mid ay gabbaad ka dhigteen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, halkaasi oo ay ka soo qaadaan weerarada ay ka fuliyaam deegaannada Lamu, Garissa iyo Tana River.

Wararka Maanta :   Qaxooti Soomaali ah oo dalka Uganda ugu geeriyooday Gaajo iyo COVID-19...

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Nin ku safrayey Aqoonsiga Xaaskiisa oo la qabtay – Wararka Maanta:…

Wararka Maanta

Booliska dalka Indonesia waxay gacanta ku dhigeen Nin iska dhigayey Haweeney oo ku safrayey Dukumentiyada Aqoonsiga Xaaskiisa iyo Caddeynteeda Baaritaanka inaan iyada laga helin COVID 19.

Ninkaasi oo magaciisa loo soo gaabiyey DW oo horey looga helay COVID-19 waxa uu raacay Diyaaradda Shirkada Citilink ee qiimo jaban oo isaga kala gooshaysay caasimada dalkaasi ee Jakarta iyo magaalladda Ternate oo ku taalla W/Bari ee dalkaasi.

Ninkaasi oo Niqaabka ku qariyey jirkiisa ilaa lugihiisa ayey u suurto-gashay inuu Diyaaradda raaco, iyadoo aan laga shakanin Muuqiisa iyo Aqoonsiga uu ku dhoofayey.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu dambeeyay Banaanbaxyada rabshadaha wata ee Koonfur Afrika...

Balse, xaallada waxay kashifantay, xilli ay Diyaaradda Hawada ku jirtay, kadib, markii mid ka mid ah Shaqaalaha Diyaaradda uu arkay Ninkii ku labisnaa Labiska Dumarka oo sii galaya Suuliga Diyaarada, kadibna soo baxay isagoo soo xiray dharka u gaarka ah Ragga.

Ninkii Shaqaalaha waxa uu arrinkii ku wargeliyey Duuliyihii, kadibna waxay la sii wadaageen Madaxda Ammaanka ee Garoonka magaalladda Ternate.

Markii ay Diyaaradii caga-dhigatay Garoonka waxay Saraakiisha Garoonka gacanta ku dhigeen Ninkii ku safrayey Dukumentiyadii Xaaskiisa, waxayna ku Karantiileen gurigiisa.

Wararka Maanta :   Militeriga Koonfur Afrika oo la geeyay gobollada ay ka socdaan...

Wararka waxay sheegayaan in Ninkaasi loo gudbin doono Maxkamadda marka uu dhamaysto Karantiilka, Donna looga baaro COVID-19.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca